Kismaayo ilaa Muqdisho: Bilowga Safarkayga Cilmi-baarista Doktoorada

Shalay oo Jimce ahayd ayaan Kismaayo ka soo ambabaxay, anigoo ku sii jeeda Muqdisho; waxaana halkaas iiga bilowday safar ka kooban Qeybo isla markaana ay la socoto Qiimeyn iyo Qawadid aan ku sameynayo waxyaabaha aan kula kulmay safarka dhexdiisa.
Safarkani ma aha socdaal shaqo oo caadi ah ee waa qayb ka mid ah hawsha cilmi-baaristayda doktoorada, daraasad muddo aan ku howlanaa ugu dambayntiina noqon doonta cilmibaarista PhD-dayda.
Cilmi-baaristaydu waxay ku saabsan tahay Hoggaaminta ku salaysan hadba la-qabsiga duruufaha jira (Adaptive Leadership) iyo sida ay ula falgasho in hay'adaha tacliinta sare ee ku shaqeeya duruufaha nugul yeeshaan jiritaan waara (Institutional Sustainability), iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo Soomaaliya. Waxa aan doonayo inaan fahmo waa su'aasha ah: Sidee ayay Jaamcadaha Soomaaliyeed ugu suurtagashay inaysan kaliya noqon kuwa shaqeeya, balse ay noqdaan kuwa yeesha jiritaan waara iyagoo soo maray sannado badan oo hubanti-la'aan iyo duruufo adag ah?
Si aan arrintaas u fahmo, waxaan daraasaddan ku eegayaa jaamacado laga soo xulay qaybo kala duwan oo dalka ah, waxaana ka mid ah Jaamacadda Kismaayo, Jaamacadda Muqdisho iyo Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso. Waxaan la kulmayaa dad qayb ka ahaa hoggaaminta hay'adahaas, anigoo dhegaysanaya waayo-aragnimadooda ku saabsan sida ay jaamacadahooda u maareeyeen xilliyo iyo xaalado isbeddelayay oo marar badan adkaa.
Taasi waa sababta safarkayga Muqdisho laakiin safarradu marar badan waxay qofka baraan wax ka baxsan ujeeddadii uu markii hore u soo baxay. Intaanan xitaa bilaabin waraysigii ugu horreeyay, safarkani wuxuu durba igu dhaliyey dhowr arrimood oo ay noqotay inaan xusuus ka reebo.
Hal Saac oo Beri Hore Maalmo Qaadan Jirtay

Maalintu waxay iigu bilaabatay aroor hore garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo la igu wargeliyey inaan soo galo 7:00 subaxnimo.
Tigidkaygu wuxuu sheegayay in diyaaradda Muqdisho ay baxayso abbaaraha 10:00 subaxnimo. Laakiin qofkii yaqaan duulimaadyada gudaha Soomaaliya wuu garanayaa in waqtiga tigidka ku qorani uusan mar walba ahayn sheekada oo dhan. Rakaabku badanaa saacado ka hor ayaa garoonka la keenaa. Jadwalku wuu isbeddeli karaa, duulimaadku wuu dib dhici karaa, mararka qaarna waxaa jira hubanti-la'aan qofka ku khasbaysa inuu aqbalo in aad looga soo hormariyo waqtiga dhabta ah.
Si uun, waxaan barannay inaan hubanti-la'aantaas la qabsanno ILAAHEY AMARKII!
Tobankii subaxnimo aad ayey u dhaaftay. Ugu dambayntii, abbaaraha duhurkii (12:30) ayaan Muqdisho u duulnay.
Intii aan diyaaradda sugayay, waxa ay ahayd inaan ka fakiro dib-u-dhaca iyo waqtiga lumaya. Laakiin waxaa maskaxdayda ku soo dhacay dhinac kale oo arrinta ka mid ah: sida weyn ee uu isu beddelay safarka gudaha Soomaaliya.
Waxaan xusuustaa in ka badan toban sano ka hor markii safarka Kismaayo iyo Muqdisho loo mari jiray waddada dhulka. Wuxuu ahaa safar gebi ahaan ka duwan kan maanta. Masaafad maanta diyaarad lagu maro qiyaastii hal saac ayaa markaas qaadan jirtay maalmo qaxar ah.
Safarku wuxuu ahaa mid daal badan, raaxo yar, amniguna wuxuu ahaa mid walaaciisa wata. Waxaa intaas dheeraa xaaladda waddooyinka iyo khatarta shilalka ee safarrada dhaadheer ee lagu safro gaadiid xaalkiisu Alle uun ogaa.
Marka aan waayo-aragnimadaas dib u xusuusto, diyaaradda maanta la raacayaa waxay ila tahay nafis weyn.
Qofku wuxuu ka soo safrayaa Kismaayo, saacad gudaheedna Muqdisho ayuu joogaa. Dadku waxay magaalooyinka ugu kala safraan ganacsi, waxbarasho, shaqo, arrimo qoys iyo hawlo kale oo badan, iyagoo aan maalmo badan ku lumin waddada.
Safarkan cilmi-baariseed qudhiisa ayaa tusaale fiican ii ah. Muddo kooban gudaheed waxaan u baahanahay inaan isaga kala gudbo Kismaayo, Muqdisho iyo Garoowe. Isku xirka duulimaadyada gudaha ayaa taas maanta ka dhigaya mid suurtagal ah.
Waa horumar ay fududahay inaan iska caadaysanno oo aynaan ku baraarugin qiimihiisa.
Laakiin in la aqoonsado horumarkaasi macnaheedu ma aha inaan la iska indho tirno meelaha wali u baahan hagaajinta.
Dib-u-dhaca duulimaadyada, isbeddelka waqtiga iyo xogta aan mararka qaar caddayn waxay noqdeen wax rakaabku la qabsaday. Laakiin waqtiga rakaabkuna qiime ayuu leeyahay. Haddii tigidku kuu sheegayo 10:00 subaxnimo, qofku waqtigaas ayuu ku saleeyaa shaqadiisa, kulamadiisa, iyo qorshaha intiisa kale ee maalinta.
Marka duulimaadyada gudaha Soomaaliya ay sii kobcaanba, waxaa habboon in filashadeennuna ay la kobocdo.
Su'aashu maanta ma aha oo keliya in magaalooyinka Soomaaliyeed ay leeyihiin duulimaadyo isku xira. Waxaa sidoo kale muhiim noqonaya isku-hallaynta jadwalka, xog-siinta rakaabka, tayada adeegga iyo xuquuqda qofka safraya. Halkaas ayaa looga baahan yahay kaalinta nidaaminta iyo kormeerka dowladdu, si loo helo isu-dheellitir u dhexeeya duruufaha shirkadaha diyaaradaha iyo xuquuqda dadka adeegyadooda isticmaala.
Waxaa laga yaabaa in awoodda aan maanta su'aalahan ku weydiin karno ay iyaduba calaamad horumar tahay.
Beri hore su'aashu waxay ahayd: safarkan maalmaha qaadanaya si nabad ah ma ku gaari doonaa halkii aan u socday?
Maanta safarkii wuxuu noqday qiyaastii hal saac. Sidaas darteed waxaan bilaabi karnaa inaan isweydiinno: sidee halkaa saac looga dhigi karaa mid la isku hallayn karo, waqtigeeda ku dhacda, isla markaana qadarinaysa waqtiga rakaabka?
Horumarku wuxuu abuuraa filashooyin cusub.
Shan iyo Toban Daqiiqo oo Roob ah
Markii aan ka degay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaan u soo dhaqaaqay dhinaca magaalada.
Wax yar kaddib roob ayaa bilowday oo igu dhex qabsaday hoolka shirkadda basaska garoonka ee Sahal.
Roobku waqti badan ma da'in. Sida aan qiyaasayo, wuxuu socday ilaa shan iyo toban daqiiqo. Waxaase iga yaabiyay sida degdegga ah ee qaybo ka mid ah waddooyinku biyaha u qabsadeen.
Baabuur iyo bajaaj ayaa dhex marayay biyaha waddooyinka fadhiya, dadka lugaynayana waxay raadinayeen meel ay ka gudbaan. Meelaha qaar biyuhu waxay ceegaageen xitaa markii roobkii yaraa joogsaday.
Waxay ahayd dhacdo yar, laakiin wax weyn ayay magaalada iga tustay.
Muqdisho wax badan ayaa iska beddela mar kasta oo aad soo booqato. Waxaa muuqda dhismayaal, maalgashi iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale. Magaalada waxaa ka jira firfircooni aan sahlanayn in qofku indhaha ka qarsado. Iyadoo sidaa ay tahay haddana roob dhowr iyo toban daqiiqo ahi wuxuu banaanka soo dhigay qaar ka mid ah caqabadaha kaabayaasha aasaasiga ah ee wali jira.
Horumarka magaalo ma aha oo keliya waxa dhulka korkiisa laga dhiso. Mararka qaar waxa dhulka hoostiisa yaalla ayaa la mid ah, ama ka muhiimsan.
Biyo-mareenno mar arkeysid sida dhismayaasha dhaadheer aad u arkaysid. Roob shan iyo toban daqiiqo ahi wuxuu carqaladayey isu-socodka magaalo mashquul badan.
Waxay ahayd isbarbardhig xiiso leh oo aan Muqdisho imaatinkaygii horeba ku arkay: magaalo si muuqata hore ugu socota, laakiin wali sidata qaar ka mid ah caqabadaha aasaasiga ah ee ay tahay in horumarku wax ka qabto.
Ugu dambayntii, abbaare labadii duhurnimo ayaan gaaray halkii aan magaaladi ka degi lahaa.
Maadaama ay Jimce ahayd, maalintaas ma aanan bilaabin waraysiyada. Waxaan helay waqti aan ku nasto, ku dego, uguna diyaar garoobo hawsha i sugaysa.
Waxaana ku faraxsanaa inaan mar kale Muqdisho imaado.
Howsha Wareysiyada Hoggaamiyaayasha Waxbarashada Sare ee Soomaaliya
Hawsha dhabta ahi waxay bilaabanaysaa marka aan la fariisto dadka aan waraysanayo.
Maalmaha soo socda waxaan la kulmi doonaa dad qayb ka ahaa hoggaaminta jaamacadaha Soomaaliyeed. Muqdisho kaddib, hawsha cilmi-baaristu waxay ii gudbin doontaa Puntland, dabadeedna Muqdisho ayaan ku soo noqon doonaa ka hor intaanan ugu dambayn Kismaayo dib ugu laaban.
Waxa aan doonayo inaan fahmo ma aha oo keliya sida jaamacadahan maanta loo maamulo ee waxaan rabaa inaan fahmo safarkii ay soo mareen.
Soomaaliya waxa xaalad gaar ah oo lagu fahmi karo hoggaaminta iyo jirtaanka hay'adaha. Jaamacaduhu waxay soo shaqeeyeen xilliyo duruufahaha siyaasadeed, dhaqaale iyo hay'adeedba uu ahaa mid aan degganayn. Haddana qaar badan oo ka mid ahi waxa ay jiraan in ka badan dhowr iyo labaatan sano. Waxay qaabileen arday, qorteen shaqaalo, jiilal ayay qalin-jabisiiyeen, hay'ad ahaanna ku guuleysteen in yeeshaan jiritaan raaga.
Sidee ayay hoggaamiyayaashoodu taas u suurtageliyeen?
Sidee ayay ula qabsadeen markii duruufihii ku hareeraysnaa isbeddelayeen? Maxay beddeleen, maxayse ku adkaysteen? Sidee ayay go'aanno u gaareen xilliyo ay khayraadku yaraayeen, nidaam dhexenna aanu jirin? Maxaase u suurtageliyay in jaamacadahooda aysan kaliya albaabbada furnaan ee ay ay muddo dheer sii jiraan?
Su'aalahaas dukumenti qoran lagama heli karo jawaabteeda hadda.
Hay'ad kasta gadaasheeda waxaa jira dad go'aanno gaaray xilli jidka saxda ahi uusan mar walba caddayn. Waxaan doonayaa inaan sheekooyinkaas ka maqlo dadkii soo maray.
Hawsha Safarka Kaddib
Waraysiyadu waa bilowga oo keliya.
Marka hawsha xog-uruurinta dhammaato, waxaa bilaabanaysa qaybta aan sida badan bannaanka laga arkin ee cilmi-baarista tayada ku dhisan: qorista waraysiyada (transcriptions), u turjumidda Ingiriisiga, samaynta coding-ka, in la isugu xirxiro cinwaano (thematic analaysis), fasiraadda xogta soo baxday iyo ugu dambayn qorista natiijooyinka cilmi-baarista.
Bisha Agoosto inteeda badan waxay u badan tahay inay hawshaasi iga qaadato.
Ugu dambayn, bilo shaqo ah ayaa lagu soo koobi doonaa cutubyo buugga qalinjabinta ee daraasadda. Safarradani waxay noqon doonaan dhowr sadar oo qeybta habka loo maray cilmibaarista ee methodology-ga ku jira. Wadahadallo dhaadheer oo aan la yeelan doono hoggaamiyaasha jaamacadaha waxay isu beddeli doonaan xigashooyin (quotations) iyo cinwaanno (themes). Waayo-aragnimadu waxay noqon doontaa maxsuulka cilmibaarista (findings).
Laakiin wax badan oo safarkan ka mid ahi halkaas kuma jiri doonaan.
Aroortii hore ee garoonka Kismaayo. Sugitaankii diyaaradda. Xusuusta ah in safar maanta saacad qaata uu beri hore maalmo qaadan jiray. Roobkii gaabnaa ee waddooyinka Muqdisho biyo dhigay. Gelitaankii hoteelka galab Jimce ah. Iyo dareenka ah in maalmaha soo socda aan la fariisan doono dad aan ka codsanayo inay dib u milicsadaan sannado hoggaamin, go'aan-qaadasho, la-qabsi iyo jiritaan hay'adeed.
Dhacdooyinkaas badankood buuggeyga cilmibaarista kama soo muuqan doonaan.
Laakiin waxay qayb ka yihiin safarka cilmi-baarista.
Taasina waa mid ka mid ah sababaha aan u doonayo inaan safarkan xusuus-qor ka sameeyo inta uu socdo.
Cilmibaaristaydu waxa ay ugu dambayn diiwaangelin doontaa waxa aan ka ogaado hoggaaminta leh la-qabsiga duruufaha iyo jiritaanka jaamacadaha Soomaaliyeed.
Waraysiyadii rasmiga ahaa wali ma bilaaban.
Laakiin ogaal-dhiskaygu, malaha, durba wuu bilowday.
Faallooyin
Aad ayaad ugu mahadsan thy Proff: xogtan qimaha badan ee aad isku howshy kadibna aad nooso gudbisey waa arin bogaadin iyo wanaag mudan adna alle hakula garab galo arimahada shaqo
Dhigaal aad faa’iido badan oo wacyiga wax ku biirinaayo ayaad nala wadaagtay Ustaad, kaliya ma ahayn xasuus qor kusaabsan sheeko iska caadiya, Alle hakula garab galo hawsha.
Waa faallo qurux badan runtii waxaan ku faraxsanahay inaan ahay wehelka kuugu dhow ee in ka badan 22 sano saaxiibka kula ahaa iyo inaad tahay qofkii waxbarashadayda sare qaybta ugu muhiimsan ka qaatay.
Aad u mahadsantahaye Ustaad,sida quruxada badan ee aad nogu dhigtay caqabadii kaa qabsaday garoonka diyaaradaha iyo halka aad caqabad ogu badashay ineysan aheen caqabd weyn.Sidoo kale sidaa u cabirtay waxyalaha aan u aragano caqabad yar sida ay caasimad u saameyneyso. Ogu dambeen waxaa rajeyna inaa magaaladad dib ogu soo laabato adigoo noo soo bandhigi doono cilmibaaris wax ku ool ah.
مسيرة علمية موفقة دكتور، بارك الله في جهودكم ووفقكم الله وأعانكم، مقالة رائعة جداً.
Waa wax bogaadin badan in maanta xogtu ku saabsan tahay dalkeenna Soomaaliya. Hambalyo Doktoor Dhurre
Qoraal qiimihiisa wata. Runtii waa Arrin ku dayasho mudan. Kaliya maaha qoraal ee waa xasuus iyo dhigane aad fariimo badan ku direyso. Alle ha kula garab galo safarkaaga ustaadi. Hawlahaaga dhaqana Alle hakuu fududeeyo.
Runtii waa arrin ku dayasho mudan una baahan in wax badan laga korosado. Kaliya maaha qoraal ee waa xasuus iyo fariimo badan oo aad direyso. Alle hakuu fududeeyo safarka ustaadii. Hawlahaaga shaqana Alle hakula garab galo.
Waa Qorma xiisa gooniya leh xaqiiqdi ustaad waxaad kahadashay dhibaatooyin yar yar kuwaas oo curyaamin kara kobaca dhaqaalaha, dawlad dhiska , iyo hormarada muuqda ee wadankeenu kutalaabsanayo. Waxaan rajeenaya in wacyiga dalkeena wax iska badalo. Mahdsanid
Runtii waa dhigaal qoraal faaido badan hadana xiiso gaar ah leh, wacyigana wax ku biirinay. Ilaah hakula garab gelo safarkaaga Ustaadi.
