Dhurre
Dib u Noqo
FikradAgosto 9, 2026

Fowdada Dhexdeeda, Fasal ka Guro — Fajaca Soomaalida

Fowdada Dhexdeeda, Fasal ka Guro — Fajaca Soomaalida

Qof markii ugu horraysay yimaadda mid ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya sida Muqdisho, wadada la maro ayaa waxay u noqon kartaa casharka ugu horreeya ee uu ka barto hab-nololeedka Soomaalida. Isgoys mashquul badan ayuu sidaa u soo istaagaa. Nal taraafiko oo shaqaynaya ma muuqdo; askari si rasmi ah baabuurta u kala hagayana ma joogo. Bajaaj ayaa dhinac ka soo dhuumanaysa, bas ayaa meel ciriiri ah madax gelinaya, gaari yar ayaa jidkiisa samaysanaya, dad lugaynayana inta u dhexeysa ayay marayaan.

Qofka meel ka baxsan Soomaaliya ka yimaadda afka ayuu gacanta saaraa: Sidee bay tani ku shaqayn kartaa? Tolow yaa kala saaari doona waxaan madaxa isla galay? Ma cidbaa inta u timaadda dhihi doonta kala joogsada?

Inta uu su'aalahaas isweydiinayo, darawal ayaa gacanta u taaga mid kale; kii kale ayaa nalka baabuurka bilig-bilig ka siiya, mid saddexaad ayaa xoogaa hore u durka, dabadeed joogsada. Daqiiqado yar gudahood, guntintii way furantaa. Bajaajtii jidkeedii ayay heshaa, baskii wuu gudbaa, dadkii lugaynayeyna dhinaca kale ayey gaaraan. Qof walba halkii uu u socday ayuu u dhaqaaqaa.

Indhaha qofka bannaanka uga yimid waxay arkayaan fowdo; indhaha Soomaaliguna waxay akhrinayaan nidaam aan waraaq lagu qorin oo la isku afgarto, shaqeeyana.

Haddaba, ma fowdo baa meesha taal, mise waa hannaan aysan dadka bannaanka nooga yimid weli baran afkiisa? Ma kala-dambayn la'aan baa, mise waa kala-dambayn si joogto ah jidka dhexdiisa loogu wada xaajoodo? Halkaas ayay ka bilaabataa sheekada aan ugu yeerayo Hab-Soomaali (The Somali Way): sida Soomaalidu, marka aanay helin nidaam diyaarsan oo hawsha u qabta, ay baahida dhexdeeda nidaam uga abuurato.

Muddo dheer dunidu Soomaaliya marka ay soo hadal-qaaddo waxa ay ku eegeysay indho arkaya oo kaliya tabnaanta iyo ba'ka jira. Waxaa la tirinayey hay'adihii dowliga ee burburay, xafiisyadii xirmay iyo nidaamyadii meesha ka baxay. Laakiin su'aal kale ayaa mudan in la isweydiiyo: intii la tirinayey wixii ka ba'ay, yaa tirinayey wixii la qabtay? Yaa cabbiray kartidii ka dhalatay baahida, ganacsiyadii hirgalay iyo hababkii ay bulshadu iskeed u curisay ee shaqeyey?

Beer aan roob badan helin haddii ay haddana miro dhasho, beeralaydu miraha kama jeesato iyadoo leh roobku wuu yaraa ee taa bedelkeeda waxay gurataa wixii u soo go'ay. Soomaaliya sidaas oo kale, fowdada dhexdeeda fasal baa ka baxay oo ay guratay. Haddaba qormadan waxa aan isku dultaagi doonaa 6 fasal oo ku baxay fowdada dhexdeeda.

1. Xawaaladaha: lacagta waxaa ka horraysay kalsoonida

Fowdada Dhexdeeda, Fasal ka Guro — Fajaca Soomaalida — image 1

Markii uu meesha ka baxay nidaamkii dhaqaale ee dowladdii Soomaaliya oo ay bulshadii Soomaaliyeed u kala firdhatay dunida dacaladeeda waxaa abuurnay nidaam ay Soomaalidu iyadu sameysatay oo ay lacagaha isugu dirto meel kasta oo ay dunida ka joogto. Hooyo carruur leh oo waddankii ku sugan ayaa sugaysay biil uu wiilkeedu dibadda ka soo diro. Ganacsade ayaa u baahnaa inuu badeeco ka soo iibsado waddan kale. Arday wax ka baranay dibadda ayaa sugayey lacagtii jaamacadda. Qof buka ayaa u baahnaa kharash daawo.

Haddaba sidee buu u shaqeeyaa nidaamka xawaaladda?

Qof baa lacag u dhiibaya qof jooga Toronto, Canada; daqiiqado kaddib qof kale ayaa ka qaadanaya Beledweyne. Lacag ayaa laga soo dirayaa Minneapolis, waxaana laga qaadanayaa Kismaayo. Ganacsade jooga Dubai ayaa lacag kala xisaabtamaya ganacsade jooga Muqdisho. Waxaas oo dhaqdhaqaaq maaliyadeed ah waxa ay dhacayaan iyadoo aysan jirin nidaam xoog badan iyo awood dhexe oo kala saarto; waxa ayna inta badan ku saleysan yihiin I AAMMIN !

Xawaaladuhu ma ahayn oo keliya shirkado lacagaha qaada oo dira. Waxay noqdeen bangiyo lagu dhisay sumcad, xiriir iyo kalsooni. Hantida ugu weyn ee xawaaladuhu ma ahayn dhismayaasha ay ku dhex shaqeeyaan ee waxay ahayd magacooda. Haddii xawaalidi ballanka jebiso, kalsoonida ayey lumisaa, haddii ay ballanka oofisana, shabakaddeedu way fiddaa.

Sidaas ayay bulshadu baahi gaar ah uga abuurtay hannaan caalami ah oo xitaa noqday mid ay isticmaalaan bulshooyin aan Soomaali ahayn. Daraasado ku saabsan Soomaaliya ayaa xawaaladaha ku tilmaamay marin dhaqaale oo buuxiyey firaaqii uu ka tegay nidaamka dowladnimada ee burburay, isla markaana isku xiray Soomaalida gudaha iyo qurbo-joogta. Xiriirkaas ayaa maalgeliyey qoysas, ganacsiyo iyo adeegyo bulsho. American University in Cairo

Miyaanay tani ahayn fajac? In lacagtu kumannaan kiiloomitir marto iyadoo aanu jirin bangi qaran oo jidkeeda oo dhan haga, haddana ay gaarto qofkii lahaa?

2. Isgaarsiinta: Codkii Dalka Iyo Dibadda Isku Tolay

Fowdada Dhexdeeda, Fasal ka Guro — Fajaca Soomaalida — image 2

Ka warran dal aan lahayn shabakad isgaarsiin oo dowladi dhistay, haddana ay dadkiisu miyi iyo magaalaba wada xiriirayaan?

Horaantii, waxa ay Soomaalida ku dabooshay baahideeda isgaarsiineed ee gudaha dalka iyo wadamada deriska isticmaalka aaladda loo yaqaan "TAAR" oo ah qalab isgaarsiineed oo ay isticmaalaan ciidamada, gaadiidka badda iyo cirka iwm. Taarka waxa ay Soomaalidu muddo u isticmaali jirtay in ay ku baadi-goobto kuwooda maqan oo ay colaaddii dalka kala irdheysay, waxaana laga heli jiray degaan kasta oo ay Soomaalidu ku sugnayd, xitaa qaxootiyada Dadadab ee dalka Kiiniya. Waxa uu sidoo kale lahaa nidaam xawaaladeed oo la socday taarka kaas oo ay lacagaha isugu diri jireen.

Muddo kadib, shirkado Soomaaliyeed ayaa qalab keenay, anteenooyin taagay, shaqaale tababaray, adeegyo bilaabay, dabadeed tartan galay. Magaaloba magaalo ayay shabakaddu u dhiibtay. Adeegga taleefanada gacanta ayaa waxa uu noqday mid isu keena bulshada dal iyo dibad, miyi iyo magaalo.

Ganacsadihii xoolaha la joogay wuxuu ogaaday qiimaha suuqa magaalada. Hooyadii miyiga joogtay waxay la hadashay gabadheedii dibadda. Darawalkii xamuulka waday waxaa loo sheegay halka badeecada lagu dejinayo. Qof aan lahayn cinwaan guri oo lambaraysan ayaa haddana yeeshay lambar uu adduunka ku gaari karo lagana soo heli karo.

Yaa qorsha baaxaddaa leh qaranka Soomaaliyeed u dejiyey? Yaa yiri magaaladaas anteeno ha laga taago, tuuladaasna adeeg ha la gaarsiiyo?

Baahida dadka iyo dhiirranaanta ganacsatada ayaa qorshaha qoray. Meel kasta oo macmiil joogay waxay noqotay meel mudan in la gaaro. Shabakadaha isgaarsiinta Soomaalidu waxay ka sameysmeen xiriirrada ganacsi ee gudaha iyo maalgelinta Soomaalida ee dal iyo dibad, halkii ay ka ahaan lahaayeen mashruuc ay shirkado waaweyn oo shisheeye dalka keeneen. International Affairs

Taleefanku ma noqon oo keliya qalab lagu hadlo; wuxuu noqday dun dalka kala daadsanaa dib isugu tolay.

3. Lacagaha Danabeysan ee Moobilka – Bangi jeeb ku jira

Fowdada Dhexdeeda, Fasal ka Guro — Fajaca Soomaalida — image 3

Soomaalidu kuma ekaan in ay taleefanka u isticmaalaan in ay ku xiriiraan oo kali ah ee waxa ay ka dhigtay khasnad lacageed oo si joogto ah qofka Soomaaliga ahi ugu baahi bixi karo meel kasta oo uu joogo.

Waxaa miyi iyo magaalo Soomaaliya dhexdeeda caadi ka noqday muuqaal laga yaabo inuu qof qalaad fajac geliyo. Qof ayaa shaah cabba kadibna ku bixiya lacagta mobilkiisa. Bajaajle ayaa rakaab geeya, taleefankiisana lacagaha looga diraa. Haweeney miis yar khudaar ku iibisa ayaa lacag danabeysan qaadata. Dukaanle, farmashiiste, kabatole iyo qof ganacsada—dhammaantood waxa ay wada aqbalaan in ay lacagaha isu diraan mobilka.

Meesha dunida kale ay ku mashquulsanayd sameynta kaarar (Mastercard, VISA Card iwm), mashiino (ATM) iyo laamo bangi si loo fududeeyo in dadkooda si fudud isugu wareejin karaan lacagaha, qofka Soomaaliyeed waxaa ku filnaaday taleefan yar oo jeebka kala soo baxo, dhowr lambar garaaco, howshiisana sidaa uu ku fushado.

Lacagta moobilku waxay ka jawaabtay baahi toos ah: lacagtu waa inay dhaqso u dhaqdhaqaaqdaa, meel kasta gaartaa, qof kastana isticmaali karaa. Uma baahnid inaad booqato bangi; uma baahnid inaad saf dheer gasho; mararka qaarkood xataa uma baahnid taleefan casri ah. Niicle (taleefan yar oo analog ah) ayaa kugu filan.

IMF waxay sheegtay in sannadkii 2020 ku dhowaad boqolkiiba 73% dadku adeegsanayeen lacagta moobilka. Xog dambe oo ay dowladda Soomaaliya daabacday waxay adeegsiga dadka 15 jir iyo ka weyn ku qiyaastay boqolkiiba 82%. Maanta oo aan qormadan qorayana, anigu waxaan dhihi lahaa isticmaaalka lacagaha danabeysan waxa ay gaaraan 100% kadib markii uu meesha ka baxay shilling Soomaaligii. Bangiga Adduunkuna wuxuu lacagta moobilka ku tilmaamay habka ugu weyn ee lacag-bixinta Soomaaliya. IMF iyo Bangiga Adduunka

Dunida marka laga hadlaayo LACAG iyo waxyaabaha la xiriira waxa ay u dhisatay bangi, markaa ayey kaarar iyo mashiino kale ku daba dartay si ciddii aan bangiga soo gaari karin u hesho adeeg bangiyeed laakiin Soomaalidu in ay si toos bangiyada u isticmaasho meelo badan waa ay ka tallaabsatay oo taleefanka ayaa bangi u ah qofka isagoon Xisaab bangi (akoon) aan lahayn.

Taasi ma fowdo dhexdeed laga gurtay fasal weyn baa, mise waa kacaan maaliyadeed oo siloon?

4. Xoolaha: Suuq caalami ah oo Af iyo Is-aaminid lagu hago

Fowdada Dhexdeeda, Fasal ka Guro — Fajaca Soomaalida — image 4

Geel ama ari ka soo baxay baadiyaha Soomaaliya ayaa mararka qaarkood ku dhammaada suuq ku yaal Jeddah ama magaalo kale oo Khaliijka ah. Inta u dhexeysa waxaa jira silsilad dheer: xoolo-dhaqato, dillaal, gaadiidle, ganacsade, qof xoolaha naaxiya, mid waraabiya, mid dekedda geeya iyo wakiil dalka loo dhoofinayo jooga.

Dadkaas oo dhan hal xafiis kama amar qaataan. Hal buug oo hawlgal ahna ma wada haystaan. Haddana xoolihii waa la ururiyaa, waa la kala soocaa, waa la daweeyaa, waa la raraa, ugu dambaynna suuq caalami ah ayay gaaraan.

Maxaa isku haya silsiladdaas dheer?

Waxaa isku haya wadaagista xogaha suuqa, sumcadda ganacsatada, xiriirka dadka iyo heshiis afka laga galo oo loo ilaaliyo sida mid qoran. Taleefan ayaa lagu ogaanayaa qiimaha; dillaal ayaa lagu aqoonsanayaa cidda uu yahay (heybtiisa qabiileed); ganacsade ayaa amaah ku helaya magac uu sannado soo dhistay.

Sannadkii 2014 Soomaaliya waxay dhoofisay tiro diiwaanka gashay oo gaareysa shan milyan oo neef. FAO waxay xilligaas Soomaaliya ku tilmaantay dalka labaad ee dunida ugu badan dhoofinta idaha nool, iyadoo ganacsiyada dhoofinta xooluhu si weyn ugu tiirsanaayeen ganacsiga gaarka loo leeyahay. FAO

Sidee xoolo baadiye fog jooga loogu xiri karaa suuq caalami ah iyadoo hay'adihii rasmiga ahaa tabar yar yihiin? Jawaabtu waa Hab-Soomaaliga: qof walba qaybtiisa ayuu garanayaa, xiriirka ka dhexeeyana waxaa saldhig u ah baahi iyo isku-hallayn.

5. Xeer Soomaali: Maxkamad Geed Hoostiis ka Hanaqaadda

Fowdada Dhexdeeda, Fasal ka Guro — Fajaca Soomaalida — image 5

Bulsho ganacsanaysa, wada dhaqmeysa, ceelal iyo daaq wadaagaysa muran la'aan ma ahaan karto. Laakiin muran kasta maxkamad dhisme weyn leh ma sugo. Soomaalidu waxay qarniyo lahayd xeer, odayaal, ergo, qaab wada-hadal iyo dhexdhexaadin intaba.

Marka arrin dhacdo, dad baa isu yimaadda. Hadalka waa la kala qaataa. Dhacdooyinkii hore ayaa la soo xusuustaa. Xeerarkii la yaqaanay ayaa lagu miisaamaa. Dhinacyada waa la maqlaa, xalna waxaa loo raadiyaa hab ay bulshadu mar kale ugu wada noolaan karto.

Maxkamaddaasi dhisme ma laha, laakiin garsoor baa ka dhaca. Shaabad ma laha, laakiin go'aan baa ka soo baxa. Ciidan joogto ahi albaabka kama taagna, laakiin bulshada ayaa xambaarta culayska fulinta heshiiska.

UNESCO waxay xeerka ku tilmaamtay hannaan dhaqameed af ahaan jiilba jiil ugu gudbay, oo fududeeyey xallinta murannada, ganacsiga, wadaagga khayraadka iwm. Intii lagu jiray sagaashamaadkii iyo wixii ka dambeeyey, xeerka iyo odayaashu waxay ahaayeen marin joogto ah oo bulshooyinku isku afgartaan laguna xaliyo mashaakisha kala duwan. UNESCO

Maahmaahda Soomaaliyeed ayaa ahayd, "Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola." Talo meel kuugu kaydsan oo ku sugaysa ma jirto; adiga ayaa raadsada, dadka isugu yeera, hadalka dhegaysta, dabadeed xal ka dhaliya. Sidaas ayuuna xeerku u noqday nidaam meel kasta ka howlgala oo aan ku tiirsanayn darbiyo iyo waraaqo oo keliya.

Waxaa laga yaabaa in tani tahay mid ka mid ah siraha ugu waaweyn ee badbaadada bulshada Soomaaliyeed: khilaafku markuu yimaaddo, in la wada hadlo kama dhammaado.

6. Waxbarashada: Jiilkii Dugsiyada Waayey Ee Haddana Jaamacadaha Dhistay ugu Dambeyntii

Fowdada Dhexdeeda, Fasal ka Guro — Fajaca Soomaalida — image 6

Markii dugsiyadii dowladdu meesha ka baxeen digaalkii sokeeye dartii, bulshada Soomaaliyeed ma aysan joojin inay ku sugnaadaan xaalad waxbarasho la'aan joogta ah. Waalidku ma uusan joojin inuu ilmihiisa mustaqbal u raadiyo. Macallinkuna aqoontiisii dhulka ma dhigin.

Maxaa la sameeyaa marka fasalkii waxbarashadu albaabkiisii soo xirmay?

Guri ayaa dugsi laga furay. Qol ayaa sabuurad la dhigay. Waalidiin ayaa lacag yar isu geeyey. Macallimiin ayaa isu tagay. Ganacsato ayaa dhisme bixisay. Qurbo-joog ayaa buugaag iyo kharash soo dirtay. Sidaas ayay iskuullo ku dhasheen; dabadeed machadyo; dabadeed jaamacado.

Jaamacado ay maanta kumannaan arday ahi dhigtaan ayaa la aasaasay xilliyo aysan jirin wasaarad awood buuxda u leh inay dhisto, maalgeliso oo dalka oo dhan maamusho waxbarashada sare. Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa manhaj diyaariyey, macallimiin raadiyey, maamul sameeyey, arday qortay, ugu dambaynna soo saaray dhakhaatiir, macallimiin, injineerro, ganacsato iyo hawlwadeenno.

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda, "Far keli ahi fool ma dhaqdo." Waxbarashada sidaas lagu dhisay far keli ahi ma aysan samayn. Waalidka, macallinka, ganacsadaha, ardayga iyo qurbo-joogta ayaa farahoodii isu geeyey. Mid baa dhul bixiyey, mid baa lacag keenay, mid baa aqoon dhigay, midna kursiga ayuu ku fariistay oo bartay. Isku-darkoodii ayaa noqday gacantii wejiga dhaqday.

Fajaca ugu weynina waa kan: jiil loo malaynayey inuu waxbarasho beeli doono ayaa noqday jiil jaamacado aasaasa.

Hab-Soomaaliga: nidaamku isagoo socda ayuu dhashaa

Lixdan sheeko marka la isu geeyo, waxaa ka dhex muuqda hal hannaan.

Baahi ayaa timaadda. Dadku ma sugaan cid fog oo u qorshaysa. Qof ayaa tallaabada koowaad qaada. Qof kale ayaa ku dayda. Mid saddexaad ayaa wax ku dara. Bulshadu way tijaabisaa. Wixii shaqeeya way qaadataa; wixii meel kale ka shaqeeyeyna magaalo kale ayay gaarsiisaa. Ugu dambayn, hawshii uu qof bilaabay waxay isu beddeshaa nidaam ay kumannaan ama malaayiin qof wada isticmaalaan.

Waddada waxaa kala haga is-afgarad. Lacagta waxaa kala gudbiya kalsooni. Lacagta moobilka waxaa faafiya fudaydkeeda. Xoolaha waxaa dhaqaajiya shabakad dad. Muranka waxaa xaliya xeer. Waxbarashadana waxaa dhisa isku-tashi.

Halkan ayay maahmaahdii caanka ahayd si buuxda ugu habboon tahay: "Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan." Hase yeeshee, Soomaalidu gacmahaas mar walba hal goob kuma ururiso. Mararka qaar mid ayaa Muqdisho jooga, midna Minneapolis; mid ayaa miyiga neef ku haya, midna dekedda ayuu dhoofintiisa ku sugayaa; mid ayaa lacag diraya, midna taleefankiisa ayay ugu dhacaysaa. Waa gacmo kala fog, balse hawl keliya wada haya.

Taasi waa isku-tashiga Soomaalida: uma baahna in dadka oo dhan hal qol wada joogaan; waxaa ku filan inay hal baahi wada dareemaan, kadibna mid walba kaalintiisa guto.

Fajaca

Fowdada Dhexdeeda, Fasal ka Guro — Fajaca Soomaalida — image 7

Qofka ka yimid dibadda marka uu Soomaaliya bannaanka ka eego wuxuu raadiyaa nidaamkii uu yaqaanay. Wuxuu raadiyaa xafiis, calaamad, rukhsad, shaabad, jadwal iyo qof si rasmi ah masuul uga ah. Markuu waayana wuxuu moodaa inaan waxba shaqaynayn.

Laakiin haddii uu xoogaa sii joogo, aragtidiisu way isbeddeshaa.

Wuxuu arkayaa lacag daqiiqado gudahood qaarado isaga gudbaysa. Wuxuu arkayaa haweeney miis yar saaran khudaar kaga iibinaysa lacag dijitaal ah. Wuxuu arkayaa xoolo baadiye laga soo kaxeeyey oo suuq caalami ah gaaraya. Wuxuu arkayaa jaamacad ay bulshadu dhistay oo arday ka qalinjebinaysa. Wuxuu arkayaa shaqaaqo meel ka dhacday oo odayaal iyo wada-hadal lagu soo afjarayo. Wuxuu arkayaa isgoys fowdo u eg oo haddana daqiiqad kasta boqollaal qof ka gudbayaan shilalkiisuna badneyn.

Markaas ayuu isweydiinayaa: Yaa waxaas oo dhan isku haga?

Waxaa laga yaabaa in jawaabtu aysan ahayn hal qof, hal shirkad ama hal hay'ad. Waxaa laga yaabaa inay jawaabtu tahay bulshada lafteeda—dad bartay inay hawsha dhexdeeda heshiis ku sameeyaan.

Habka Soomaalidu wax u qabato mararka qaarkood dibadda ayuu fowdo uga ekaan karaa, laakiin gudihiisa waxaa ku jira xasuus, xiriir, kalsooni, degdeg, tanaasul iyo awood xaalad cusub lagula qabsado. Ma aha nidaam marka hore buug lagu qoro dabadeed la dhaqan-geliyo; waa nidaam hawsha dhexdeeda ka dhasha, kadibna ku xoogeysta ku-celcelin iyo isku-hallayn.

Dunidu waxay taqaannaa in nidaam marka hore la dhiso, kadibna dadku ku shaqeeyaan. Soomaalidu marar badan hawsha ayay marka hore bilowdaa, nidaamkuna isagoo socda ayuu ka dhex dhashaa.

Haddaba, fowdada dusheeda oo keliya ha eegin. Hoos u yara dhaadhac. Markaas waxaad arkaysaa waxa indhaha degdegayaa seegaan: fowdada dhexdeeda waxaa ku jira fasal bislaaday.

Soo dhowow; fowdada dhexdeeda, fasal ka guro saaxiib !

Faallooyin

Wali faallo lama dhigin — noqo kan ugu horreeya ee ra'yigaaga qora.

Faallooyinka waa la eegayaa ka hor inta aysan soo muuqan.