Dhurre
Dib u Noqo
WaxbarashadaAgosto 13, 2026

Jihada Wax-soo-saarka Waxbarashada Sare ee Soomaaliya: Ma Dhabo Xiran, mise Dhawaq Mudan in Dheg Loo Dhigo?

Jihada Wax-soo-saarka Waxbarashada Sare ee Soomaaliya: Ma Dhabo Xiran, mise Dhawaq Mudan in Dheg Loo Dhigo?

Waxbarashada sare ee Soomaaliya waxa ay ku bilaabatay duruuf adag oo ay adkeyd xitaa in lagu fekero iskaba daa in udubkeeda la mudo. Soddon sano ka dib, lama inkiri karo masaafada ay jartay iyo miraha ay dhalisay. Inta badan shaqaalaha maanta ka hawlgala hay'adaha dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iskuullada, isbitaallada, iyo xafiisyada kala duwan waa dad intooda badan ka soo baxay jaamacadaha dalka.

Hase yeeshee, guushaas waxaa ay dhalisay in aan isweydiino su'aal adag oo dhaheysa: jaamacaduhu miyey soo saarayaan aqoon iyo karti uu suuqa shaqadu qaadi karo, mise waxay soo saarayaan jiil ku qalabeysan shahaadooyin balse aan helin meel ay kaga miro dhaliyaan iyo cid ay ugu shaqeeyaan ama meel ay kaga shaqeystaan?

Bal aynu fiirino qisada qoys Soomaaliyeed oo dhalay afar carruur ah. Qoysku wuxuu saddex ka mid ah carruurta hore ugu diray jaamacadaha dalka, isaga oo ku bixiyey lacag adag iyo dhaqaale laga yaabo inuu si adag ku keenay. Nasiib wanaag saddexdii ilmood mid ba mar ayuu ka soo qalinjabiyey jaamacadda. Hase yeeshee ayaan-darradu waxa ay timid marka saddexdoodii midna shaqo tegin/helin; weli gurigii joogaan, welina canjeeladii reerka la cunayaan. Waxeyse waallidu tahay in qoysku qorshaynayo inuu jaamacad u diro ilmihii afraad haddana!

Xaggee wax ku wadaan? Isla markaana, xaggee ayay wax ku wadi waayeen?

Jihada Wax-soo-saarka Waxbarashada Sare ee Soomaaliya: Ma Dhabo Xiran, mise Dhawaq Mudan in Dheg Loo Dhigo? — image 1

Qoyskaas ma haysto doorasho sahlan. Ilmaha dugsi sare ka qalinjabiyey ma guriga ayuu iska fadhinayaa? Ma jirtaa waddo kale oo u furan qoyskaas? Arrintani ma aha sheeko ku kooban hal reer; waa xaqiiqo ka dhex jirta qoysas badan oo Soomaaliyeed, waana jiil dhan oo mustaqbalkiisa lagu qamaarayo iyada oo natiijada ka soo baxdo tahay shahaado jaamacadeed oo aan wax ka goyneyn suuqa shaqada.

Waxaa intaa dheer arin kale oo mudan in si taxaddar leh loo akhriyo. Takhasusyada ugu shidan ee laga barto jaamacadaha Soomaaliya ee shaqooyinka lacagta ugu badan lagu helo ayaa waxaa ka mid ahaan jiray barashada caafimaadka (Dhaqtarnimada iyo culuumta kale ee caafimaadka). Hase ahaatee, wareysiyadii aan la lahaa hoggaanka jaaamacadaha ugu waaweyn ee dalka ayaa wax ay qirayaan in ay aad hoos ugu dhacday diiwaangelinta takhasusaadkaas iyadoo sababtu tahay in arday badan oo ka soo qalinjabiyey jaamacadaha sanadahii la soo dhaafay ay dibad joog aan wax shaqo heyn yihiin sidaana uu ku faafay warka ah in aanay suuq lahayn, taas uu hoos u dhigtay diiwaangelintooda.

Halkan waxaa ka muuqata mushkilad ka weyn jaamacad keliya ama takhasus gaar ah: Soomaaliya ma laha hay'ado dowladeed ama kuwo gaar loo leeyahay oo si joogto ah u soo saara xog, tirakoob, iyo warbixinno lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan suuqa shaqada, takhasusyada baahida loo qabo, iyo heerka shaqo-helidda dadka ka qalinjabiya jaamacadaha.

Meesha xog rasmi ahi ka maqan tahay, waxaa shaqeeya qiyaas, malo, iyo "maxaa la sheegay." Ku tiri ku teen, ama wararka bulshada dhexdeeda la isku mariyo, ayaa noqda xogta ugu badan ee uu heli karo arday doonaya inuu go'aan ka gaaro kulliyadda uu dhiganaayo. Haddii aad weydiiso waalid ama arday sababta uu u doortay takhasus gaar ah, marar badan jawaabtu kuma salaysna warbixin ama xog lagu kalsoon yahay; waxay ku salaysan tahay wax uu ka maqlay saaxiib, qaraabo, ama sheekooyinka magaalada ka socda.

Sidaas darteed, go'aanka waxbarasho ee saamaynta ku leh nolosha ardayga, dhaqaalaha qoyskiisa, iyo mustaqbalkiisa xirfadeed wuxuu marar badan ka dhashaa hadal la isla dhex maray, halkii uu ku dhisnaan lahaa xog sugan. Waa arrin khatar ah, gaar ahaan marka qoysasku ku bixinayaan tiir iyo tacab-beelayaan waxbarashada ubadkooda.

Dhibaatadu waxay sii weynaanaysaa marka la eego xiriirka ka dhexeeya jaamacadaha, suuqa shaqada, iyo dowladda. Xiriir shaqaynaya oo saddexdaas dhinac isku xira si muuqata uma jiro. Mid kastaana wuxuu la nool yahay tabar-darro iyo nusqaan.

Tusaale, jaamacadaha Soomaaliya intooda badan waa ganacsiyo gaar loo leeyahay. Ma haystaan dhaqaale ku filan, mana helaan kab dowladeed. Sidaa awgeed, waxay ku tiirsan yihiin khidmadaha laga qaado ardayda. Xaaladdan, jaamacaddu waxay ka dhigeysaa mid u nugul inay furto takhasus kasta oo ay ardaydu dalbadaan, halkii ay ku shaqayn lahayd qorshe qaran oo tilmaamaya takhasusyada dalka u baahan yahay, kuwa buuxsamay, iyo kuwa u baahan in la xaddido ama dib loo habeeyo.

Xaqiiqadu waxa ay tahay ilaa ay ardaydu dalbanayaan takhasus, diiwaangelintiisu way furan tahay. Laakiin su'aashu waxay tahay: yaa ka jawaabaya halka ay ardaydaasi ku dambaynayaan marka ay qalinjabiyaan?

Dhanka kale, suuqa shaqada ee Soomaaliya intiisa badan wuxuu ku shaqeeyaa nidaam dhaqaale aan rasmi ahayn (informal economy). Dowladda si dhammaystiran ugama war hayso ganacsiyada jira, sharciyadooda, canshuurahooda, ruqsadahooda, iyo tirada shaqaalaha ay qaataan. Ma jirto awood ku filan oo lagu jaangoyn karo baahida shaqo, laguna saadaalin karo xirfadaha mustaqbalka loo baahan doono.

Nidaamka shaqaaleysiinta ee ganacsiyada gaarka loo leeyahayna marar badan ma aha mid ku dhisan shuruudo cad, aqoon, karti, iyo tartan furan. Wuxuu inta badan ku dhacaa hannaan aan rasmi ahayn oo ay sal u yihiin is-aaminaad, isku-xirnaan, qaraabonimo, ama heyb. Sidaas darteed, Soomaaliya gudaheeda, shahaado iyo karti keliya mar walba ma dammaanad qaadaan shaqo. Waxaa dhici karta in shaqada uu kaa helo qof aan baran takhasuskaaga, balse xiriir dhow la leh cidda wax shaqaaleysiinaysa.

Mid ka mid ah hoggaanka jaamacadaha oo arintan soo hadal-qaday ayaa ku tilmaamay xaaladdaas in uu jiro hog ama bohol weyn oo u dhexeysa ardayda ay jaamacaduhu soo saarayaan iyo suuqa shaqada. Jaamacaduhu waxay ardayda ku guraan ama ku daadiyaan boholohaas iyagoo aan awood u lahayn inay dhinaca kale uga tallaabiyaan, halkaas oo ay ka heli lahaayeen shaqo iyo nolol xirfadeed.

Jihada Wax-soo-saarka Waxbarashada Sare ee Soomaaliya: Ma Dhabo Xiran, mise Dhawaq Mudan in Dheg Loo Dhigo? — image 2

Haddii shalay aad loogu diirsaday soo saarista xooggii (shaqaalahii) ugu horreeyey ee ka shaqeeya qaybaha kala duwan ee adeegyada bulshada, maanta waxaa muuqata in la gaaray marxalad kale. Wax-soo-saarka jaamacadaha kuma sii socon karo isla qaabkii uu ku bilowday, iyada oo aan la tixgelinayn awoodda suuqa shaqadu u leeyahay inuu qaado qalinjabiyeyaasha. Waxaa loo baahan yahay in la saxo isdiiddada u dhexeeysa ardayda qalinjabinaysa, baahida suuqa shaqada, takhasusyada dalka u baahan yahay, iyo maqnaanshaha nidaam dhexe oo arrimahan jaangoyeeya.

Waxbarashada sare ee Soomaaliya ma aha waddo gebi ahaan xiran (deadend). Laakiin waxay taagan tahay meel digniin leh. Haddii aan la dhisin xog lagu hago doorashada ardayda, aan la xoojin xiriirka jaamacadaha iyo loo-shaqeeyayaasha, aan la horumarin xirfadaha shaqo iyo hal-abuurka, isla markaana aan la helin dowlad qaadata doorkeeda qorshaynta iyo jaangoynta, qalinjabiyayaal badan waxa ay dib ugu laaban doonaan guryaha waaliddiintood iyagoo shaqo la'aan ah oo aan waxtari karin naftooda iyo tan waalidkood midna; waaba haddii aysan qaadan go'aanno khatarteeda leh!

Su'aashu ma aha oo keliya intee jaamacadood ayey Soomaaliya lee dahay ama intee arday ayaa qalinjabisa sanad kasta; ee su'aasha dhabta ah ayaa ah: qalinjabiyaha Soomaaliyeed xaggee ayuu aadayaa marka uu jaamacadda ka baxo?

Faallooyin

Wali faallo lama dhigin — noqo kan ugu horreeya ee ra'yigaaga qora.

Faallooyinka waa la eegayaa ka hor inta aysan soo muuqan.