Dhurre
Dib u Noqo
Xusuus-qorAgosto 13, 2026

Muqdisho ilaa Garoowe: Safar, Xog-ururin iyo Indho-indhayn Kale

Muqdisho ilaa Garoowe: Safar, Xog-ururin iyo Indho-indhayn Kale

Waxa ay ahayd abbaaraha 9:50 subaxnimo markii aan ka duulnay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho, annagoo ku sii jeedna Garoowe. Diyaaradda aan raacnay waxay ahayd mid qaadda ilaa 80 rakaab ah, taas oo marka loo eego diyaaradaha aan inta badan u raacno duulimaadyada gobollada ah diyaarad weyn.

Muqdisho ilaa Garoowe: Safar, Xog-ururin iyo Indho-indhayn Kale — image 1

Markan, dib-u-dhacii aan safarkii Kismaayo ilaa Muqdisho kala kulmay oo kale ma jirin. Tigidhka waxaa ku qornaa 9:00 ilaa 11:30, shaqaalaha diyaaradduna waxay noo sheegeen in duulimaadku qaadan doono qiyaastii hal saac iyo labaatan daqiiqo.

Waxaan ku sii jeeday magaalo ay iigu dambeysay shan sano iyo siddeed bilood ka hor, bishii Janaayo 2021. Xilligaas waxaan Garoowe u tagay ka-qaybgalka shirkii Aragti-Wadaagga ee Heritage. Intaas ka horna mar ama laba ayaan magaalada hore u imid.

Laakiin safarkan ujeeddadiisu way ka duwan tahay kuwii hore.

Raadinta Sheekooyinka Hoggaanka Jaamacadaha

Sida aan xusuus-qorkaygii hore ee safarka Kismaayo ilaa Muqdisho idiinkula wadaagay, socdaalkani wuxuu qayb ka yahay xog-ururinta cilmi-baaristayda doktoraada. Waxaan waraysiyo la yeelanayaa hoggaamiyayaal ka tirsan jaamacado Soomaaliyeed, anigoo doonaya inaan fahmo waayo-aragnimadooda hoggaamineed iyo sida hay'adahoodu ula qabsadeen duruufihii kala duwanaa ee ay soo mareen.

Markan Puntland waxaan ugu socday madaxda Jaamacadda Bariga Afrika (East Africa University), oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn uguna horreeyay deegaannada Puntland. Jaamacaddu waxay leedahay ilaa siddeed xarumood oo ku kala yaalla magaalooyinka Qardho, Boosaaso, Garoowe, Gaalkacyo, Buuhoodle, Goldogob, Burtinle iyo Ceerigaabo. Xarunteeda ugu weyn waxay ku taallaa Boosaaso.

Muqdisho ilaa Garoowe: Safar, Xog-ururin iyo Indho-indhayn Kale — image 2

Xilligan oo kale, waxbarashadii caadiga ahayd kama socoto xarumaha jaamacadda, inkastoo diiwaangelinta ardayda cusub la furay, gaar ahaan xarunta Garoowe. Nasiib wanaag, madaxdii jaamacadda ee aan u baahnaa inaan waraysto waxaan ku helay Garoowe. Xilligan sannadka waa xagaa, waana xilli dad badan ay Boosaaso uga soo baxaan kulaylka daran ee xeebta Badda Cas.

Taasi waxay hawshayda ka dhigtay mid ka fudud sidii aan filayay. Maalintii xigtay oo ahayd Arbacada, waxaan ku guuleystay inaan qaado waraysiyadii aan u socday.

Muqdisho ilaa Garoowe: Safar, Xog-ururin iyo Indho-indhayn Kale — image 3

Mararka qaar xog-ururinta cilmi-baaristu ma aha oo keliya inaad su'aalo wanaagsan diyaarsato. Waxaa kale oo muhiim ah inaad qofkii aad raadinaysay hesho, goobtii saxda ahaydna aad joogto waqtigii saxda ahaa. Markan nasiibku dhinacayga ayuu ahaa.

Garoowe Shan Sano iyo Siddeed Bilood Kaddib

Garoowe waxay ka mid tahay magaalooyinka sida weyn u koray burburkii dowladdii dhexe iyo colaaddii dalka kaddib. Maanta waa caasimadda Dowladda Puntland, ku dhowaad lix sano oo aan ka maqnaana isbeddelka magaalada ka dhacay indhahayga kama qarsoomin.

Waxa iigu horreeyay ee aan dareemay waxay ahayd fiditaanka magaalada. Xaafado iyo dhismayaal cusub ayaa soo kordhay, waddooyin badan ayaa laami noqday, magaalada dhinacyo kala duwanna way u fidaysaa.

Waxa kale oo indhahayga qabtay buundada weyn ee laga dhisay togga magaalada dhex mara. Xilliyadii aan hore Garoowe u imid, toggaasi wuxuu caqabad ku noqon jiray isu-socodka, gaar ahaan marka loo socdo dhinaca isbitaalka weyn ee magaalada. Buundada cusub waxay arrintaas ka dhigtay mid aad uga sahlan sidii hore.

Laakiin isbeddel kale oo aan si gaar ah u dareemay wuxuu la xiriiray wax aan Garoowe ku xusuusto: biyaha.

Safarradaydii hore, Garoowe waxay caan ku ahayd biyaha qaraarka ah ee dadka deegaanku ugu yeeraan Waayeer ama Wayeer (higaadda saxda ah weli ma hubo). Magaalada ayaa biyahaas isticmaali jirtay, dadkuna mararka qaar waxay ku khasbanaayeen inay iibsadaan dhowr nooc oo biyo ah, mid kasta ujeeddo gaar ah.

Safarkan waxaan ogaaday in arrintaasi isbeddelayso. Shirkadda NUWACO ee biyaha gelisa magaalada ayaa bilowday inay biyo macaan gaarsiiso qaybo ka mid ah Garoowe, sidaas darteed xaafado badan ayaa maanta qasabadaha ka helaya biyo ka duwan kuwii qaraaraa ee magaalada lagu yaqaanay.

Laakiin adeeggu weli magaalada oo dhan ma wada gaarin.

Nasiib-darradayda, xaafadda uu ku yaallo Degel Hotel ee aan deganaa, waddada Guureeye (ma hubo), waxay ka mid ahayd meelaha aan weli helin biyahaas macaan. Markaa anigu isbeddelka waxa uu ii ahaa maqal, waan arkay meelaha qaar, laakiin qubayskayga weli Waayeerkii ayaan garaacayey!

Muqdisho ilaa Garoowe: Safar, Xog-ururin iyo Indho-indhayn Kale — image 4

Waxa kale oo la ii sheegay in xaafadaha biyaha macaan helay biilkoodu kordhay. Taasna waa la filan karaa, mar haddii dadku hadda biyo macaan ku qubaysanayaan!

Mararka qaar horumarka magaalo laguma cabbiro oo keliya dhismayaasha dhaadheer ama waddooyinka cusub. Biyaha ayaa iyaguna horumarka ka mid noqon kara.

Waxyaabo Kale oo Indhahaygu Qabteen

Safarrada waxaan jeclahay inaan u fiirsado waxyaabaha aan shaqada aan u socdo toos ula xiriirin. Garoowe markan waxaa jiray dhowr arrimood oo indhahayga si gaar ah u qabtay.

Mid ka mid ah waxay ahayd tirada dhallinyarada Itoobiyaanka ah, wiilal iyo gabdhaba, ee magaalada ka shaqaynaya. Waxaan ku arkayay shaqooyin kala duwan sida caseeyaha, xamaalka iyo shaqooyinka kale ee muruq-maalka ah. Dad aan la hadlay waxay ii sheegeen in sannadihii dambe ay aad ugu soo badanayeen deegaanka, isla markaana ay qayb weyn ka qaateen shaqooyinka xoogga.

Waxaan sidoo kale jidka ku arkay dad Itoobiya ka soo galay Puntland oo lug ku safraya, qaarkoodna ku sii jeeda Boosaaso. Qaar waxay halkaas u raadsadaan shaqo, halka kuwo kalena safarkoodu ka sii gudbo Boosaaso iyagoo tahriib ahaan ugu sii jeeda waddamada Khaliijka.

Muuqaalkaasi wuxuu igu dhaliyay su'aalo kale. Maxaa qofka ku riixaya inuu masaafo intaas le'eg lug ku maro? Shaqooyinka ay dadkani qabanayaan maxay dadka deegaanka u qabsan waayeen?

Jawaabaha su'aalahaas uma aanan iman Garoowe, mana doonayo inaan wax aanan baarin gunaanad ka gaaro. Laakiin waa mid ka mid ah muuqaalada safarkan aan xusuusta kala soo noqday.

20 Senti oo 10 Senti Lagu Dalacay!

Dhacdo kale oo iga yaabisay waxay la xiriirtay isgaarsiinta iyo lacagaha danabeysan.

Waxaan Puntland la tegay laba SIM card, Hormuud iyo Somtel. Labaduba si caadi ah ayay iigu shaqaynayeen dhinaca wicitaanka iyo internetka. Hormuud wuxuu halkaas kula shaqaynayaa shabakadda Golis, halka Somtel ay si toos ah uga shaqayso koonfurta Soomaaliya iyo Puntland labadaba.

Laakiin yaabku wuxuu yimid markii aan isku dayay inaan lacag ka diro lambarkayga Hormuud una diro lambar Golis ah.

Waxaan arkay in lacag dheeraad ah la iga jarayo.

Laba jeer ayaan adeegga isticmaalay, labada jeerna waxaa la iga jaray 10 senti, inkastoo lacagaha aan dirayay aad u kala duwanaayeen. Markii aan bajaaj raacay oo aan diray $1, waxaa la iga dalacay $0.10. Mar kale ayaan kabo caseystay, qiimuhuna wuxuu ahaa $0.20. Haddana $0.10 ayaa la iga jaray.

Halkaas ayaan xoogaa istaagay.

20 senti oo 10 senti laguugu dalacayo?

Boqolkiiba konton!

Waxaan is iri: ma anigaa farsamo qaldan isticmaalaya? Ma jiraa hab kale oo dadka deegaanku lacagaha ugu kala diraan shabakadaha kala duwan sida Hormuud iyo Golis oo aanan anigu aqoon? Mise xaqiiqadu sidaas ayay tahay?

Jawaabta ma hubo. Waxa keliya ee aan hubo waa in 10 senti oo lagu dalaco 20 senti ay maalintaas ila muuqatay lacag qaali ah!

Magaalo Saaxiibbo ku lahow !

Garoowe markan kuma ekaan keliya hoteelka aan degganaa iyo goobaha waraysiyada. Saaxiibkay Ibraahim Cabdullaahi ayaa magaalada dacalladeeda si fiican ii soo tusay.

Ibraahim waxaan isku nahay arday Jaamacadda UPEACE, waana nin reer Garoowe iyo reer Boosaaso ah oo deegaankan si fiican u yaqaan. Wax badan ayuu ii fududeeyay intii aan joogay, laga bilaabo qabashada hoteelka ilaa inaan magaalada si fiican ugu soo wareego.

Garoowe waa magaalo si wanaagsan u dhismaysa, waddooyin fiicanna leh. Haddii aad magaalada timaaddo, dabcan waxaa ka mid ah meelaha ay tahay inaad marto Barxadda Garoowe, oo si qurux badan loo habeeyay lagana dhisay taallo bilicsan. Waa meel ka mid ah goobaha magaalada siinaya muuqaalkeeda cusub.

Muqdisho ilaa Garoowe: Safar, Xog-ururin iyo Indho-indhayn Kale — image 5Muqdisho ilaa Garoowe: Safar, Xog-ururin iyo Indho-indhayn Kale — image 6

Waxaan sidoo kale si gaar ah ugu mahadcelinayaa Dr. Cabdirisaaq Takar, guddoomiyaha xilka wareejiyay ee Jaamacadda Bariga Afrika, xarunteeda dhexe ee Boosaaso, haddana ah Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Tacliinta Sare ee Puntland. Dr. Cabdirisaaq wuxuu si weyn iigu fududeeyay inaan helo madaxdii jaamacadda ee aan uga baahnaa waraysiyada cilmi-baaristayda.

Muqdisho ilaa Garoowe: Safar, Xog-ururin iyo Indho-indhayn Kale — image 7

Safar cilmi-baariseed marar badan wuxuu ku qoran yahay magaca hal qof, laakiin dhab ahaantii dad badan ayaa gadaashiisa ka shaqeeya. Qof ayaa xiriir kuu sameeya, qof ayaa albaab kuu fura, qof ayaa qof kale ku baraya, qofna waqtigiisa ayuu ku siinayaa. Ibraahim iyo Dr. Cabdirisaaq waxay ka mid ahaayeen dadkii safarkan ii fududeeyay.

Waxbarashada, Federaalka iyo Puntland

Marka siyaasadda laga tago, oo aan anigu shaqaba ku lahayn, dadka aan Garoowe ku arkayay waa dad Soomaaliyeed, dalkuna waa dal Soomaaliyeed. Intii ay indhahaygu qabanayeen, qof walba wuxuu ku jiray hardanka nolosha, shaqo, ganacsi, waxbarasho iyo raadinta nolol maalmeed.

Laakiin dhanka waxbarashada, oo ah meel aan si gaar ah u daneeyo, waxaa jira arrin aan indhaha laga qarsan karin.

Nidaamka waxbarashada Puntland kuma xirna Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintani waxay qayb ka tahay khilaafaadka siyaasadeed iyo dastuureed ee muddo u dhexeeyay Puntland iyo Dowladda Federaalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira awood-qaybsiga, maamulka iyo khayraadka.

Sidaas darteed, Puntland waxay leedahay manhaj, imtixaanno iyo maamul waxbarasho oo u gaar ah. Waxa kale oo ay leedahay Guddi Tacliinta Sare oo dhawaan, bishii Abriil 2026, la magacaabay. Waxaa xubnaha guddiga ka mid ah Dr. Cabdirisaaq Takar, oo sidii aan hore u sheegayba gacan weyn iga siiyay xog-ururintayda.

Aniga oo aan doonayn inaan siyaasadda galo, haddana marka dhinaca waxbarashada laga eego, kala-go'a nidaamyadu wuxuu keenayaa su'aalo mudan in mustaqbalka laga fekero. Ardayga Soomaaliyeed, shahaadooyinka, jaamacadaha iyo tayada waxbarashadu dhammaantood waxay ka faa'iidaysan karaan nidaamyo wada hadla, xitaa haddii maamulka siyaasadeed lagu kala aragti duwan yahay.

Waxaan rajaynayaa in isfaham laga gaari doono, Insha Allah.

Soo-noqoshadii Muqdisho, VIP-da Dabcan!

Safarkaygii Garoowe wuxuu ahaa mid kooban, laakiin hawshii aan u socday waan ku soo guuleystay. Waxaan helay waraysiyadii aan u baahnaa, waxaan dib u arkay magaalo aan ku dhowaad lix sano ka maqnaa, waxaana safarka kala soo noqday indho-indhayn aan cilmi-baaristayda toos ula xiriirin, laakiin xusuus-qorka safarka qayb ka noqonaysa.

Saaka oo Khamiis ah, 13-ka Agoosto 2026, ayaan ka soo duulay Garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Abshir ee Garoowe.

Muqdisho ilaa Garoowe: Safar, Xog-ururin iyo Indho-indhayn Kale — image 8

Markanna qeybta VIP-da ayaan ka soo baxay.

Haa, VIP-da!

Waxaan Muqdisho ka soo degnay abbaaraha 12:30 duhurnimo.

Markii aan dib u milicsado safarkan, waxa maskaxdayda ku soo dhacaya waxyaabo kala duwan: waraysiyadii aan u socday, Garoowe oo sii fidaysa, buundada cusub, biyihii qaraaraa oo meelaha qaar macaan isu beddelay, dhallinyarada Itoobiyaanka ah ee nolol raadiska ku jira, 20-kii senti ee 10-ka senti lagu dalacay, saaxiibbadii hawsha ii fududeeyay, iyo su'aalaha waxbarashada ee aan magaalada kala soo noqday.

Qaar ka mid ah waxyaabahaas waxay geli doonaan cilmi-baaristayda.

Qaar kalena weligood ma geli doonaan.

Laakiin taas ayaa ah sababta aan xusuus-qorkan u qorayo. Cilmi-baaristu waxay diiwaangelinaysaa waxa aan u baxay inaan raadiyo, xusuus-qorkuna wuxuu ii hayaa wixii aan jidka ku arkay.

Alxamdulillaah, Alle ayaa ii fududeeyay hawshii aan u socday, wuxuuna si nabad ah dib iigu soo celiyay Muqdisho.

Safarkii Garoowe halkaas ayuu ku dhammaaday.

Safarkii cilmi-baaristuse weli wuu socdaa.

Faallooyin

Wali faallo lama dhigin — noqo kan ugu horreeya ee ra'yigaaga qora.

Faallooyinka waa la eegayaa ka hor inta aysan soo muuqan.